About Us
Waxa uu ku saabsan yahay Health Exchange
Waxaan aaminsan nahay inuu Health Exchange yahay, horumarinta ugu casriyeysan e lagu bixinaayo “Choosing Health (Doorashada Caafimaadka)” ee Birmingham.
Waxuu Health Exchange naga kaxaynayaa habka aan ku aragno caafimaadka inuu yahay ka hortagga cudurka ama daawaynta wuxuuna u gudbayaa nooc si “ buuxdo looga qaybgalo” caafimaadka si xulasho ah, ee dhammaan heli karaan.
Saldhigga guud ee Health Exchange waa Rugta Dhexe ee Maktabadda Birmingham, oo ah maktabadda magaalada ugu mashquulsan oo u adeegto dhammaan qaybaha kala duwan ee dadwaynaheena. Kooxda saldhigga guud waxay ka kooban tahay Maareeyaha Saldhigga, adeegga sawirada iyo qof khabiir ku ah wax-raadinta.
Waxaa Goobaha Jaaliyadda laga sameeyay melo kala duwan ee jaaliyadda (Fiiri liska Goobaha Jaaliyadda waxii faah-faahino ah). Waxay yahiin isku xirka jaaliyadda ee ka dhigayso Health Exchange midka qurka ah. Waxuu u la shaqaynayaa jaliyadaha sidii lamaane la siman si loo beddelo siyaabaha ay ku helayaan macluumaadka caafimaadka, talosiin iyo kaalmo.
Waxaa maareeyo beelaha Jaaliyadda “local champion”, oo ka socdo ururka marigelyaha ah, oo gacan ka helo kooxda Health Exchange iyo adeegyada baaxadda leh ee hoos lagu xusay. Waxa cusub ee muhiimka ah waxuu yahay isdhaafsiga afkaarta iyo waxqaadka ka dhexeeyo shaqaalaha caafimaadka iyo jaaliyadaha. Kani wuxuu dhaci doonaa markii ay degganayaasha noqdaan xubno ka mid ah Health Exchange. Waxay markaa horumarsan karaan naf-ahaantooda adeegga shakhsiyadeed iyo kuwa kale ee ku jiro jaaliyadda, iyagoo isticmaalaayo ilaha internetka oo isku dhafan, meelaha ay shacabka ka geli karaan oo ay joogaan hawlwadeenada Health Exchange iyo dadka taakuleeyo.
Saldhgga guud ee Health Exchange
Meelaha Health Exchange
Doowrka Muhiimka ah ee Taakulayaasha
Waa maxaay waxa lagu bixiyo goobaha Jaaliyadda?
Goobaha Jaaliyadda waxaan ku bixinnaa:
* Ilaha- oo ah kuwo daabacan iyo kuwa internetka labaduba, ayadoo taageeraayo kooxda ilaha ee joogo saldhigga Maktabadda Dhexe.
* Xayeeysiin, suuq-gayn iyo wacyo-gelinta ololada caafimaadka.
* Xubinimada shabakad magaalada ka mid ah, oo ay taageereyso saldhigga dhexe.
* Taageerida horay u dhigidda caafimaadka; helidda ololada caafimaadka, ilaha iyo kaalmada khabiirka ah.
* Tababaridda xubnaha jaaliyadda si ay u noqdaan taakulayaasha caafimaadka.
* Ka qayb-qaadashada tijaabooyina horumarinta adeegyada cusub.
Dhisidda shabakadda
Waxaan haatan ku lee-nahay goobo Jaaliyadeed gudaha qaybta waqooyi ee Heart of Birmingham iyo waxaan saldhig ku leenahay Maktabadda Dhexe. Waxay goobahaan Jaaliyadda yahiin keliya bilaaw. Bilaha soo socdaan oo dhan waxaan ka shaqaynaynaa inaan u ballaarino koonfurta gobolka. Waxaa la rajaynayaa inay macaamiisha awoodi doonaan inay helaan Health Exchange iyada oo u maraayo waddooyin kale – farmashiyayaasha, ganacsiyada iyo waxii la mid ah.
Sida uu Health Exchange u horumari doono waqtiga dheer waxuu ku xiran yahay sida jaaliyadaha oo aan u shaqayno wax noogaa baahdaan iyo rajada ay naga sugaayaan.
Sidee u caawin kartaa?
Iyada oo la haysto kaalmada lagu siinaayo awoodda goobaha Jaaliyadda si loo siiyo adeeg wax ku ool leh jaaliyadaha, waxuu Health Exchange diyaar u yahay inuu kaalmeeyo kooxaha qabanaayo barnaamajyada cayilka, joojinta sigaar-cabidda, naas-nuujinta iyo uur-qaadidda gabdhaha dhalliyarada ah (oo ah qaar ka mid ah adeegyo kale ay bixiyaan) ee jaaliyadaha ka degan qaybta waqooyi ee Heart of Birmingham.
Haddii aad heshid aag aad ku dareemaysid inaadan ka heli karin macluumaadyo kugu filan waxaan kaaga la shaqayn karnaa si loo sameeyo ilaha macluumaadka cusub.
Waxaan haatan ku jirnaa samaynta barnaamajka ololayaasha caafimaadka dadwaynaha iyo adeegyada kaalmada ee dhammaan gobolka Heart of Birmingham ee sanadka soo socdo (fiiri Barnaamajka Dhacdooyinka ee ku lifaaqan). Waxay danteena tahay inaan abuurno barnaamaj miisaaman ee lagu hormarinaayo bilaabidda caafimaadka dadwaynaha iyo barnaamajyada gaarka u ah jaaliyadda.
Back to Somali